Maxa khaldan? Maxa sababay in Waxbarashada jaamacadaha dalku anay wax saamayn ah yeelan?
Somaliland, waad ogtahay jaamacadaha dalka inay tiro ahan kor u dhaafayaan 15, kuwaaso sannad walba celcelis ahan soo saara wax ku badan 6000 oo ka qalin jebiya wax barashooyinka kala sarreya iyo cilmiyada kala duwan. Markaad aragto intaasoo xarumood oo jaamacado ah iyo dhalinyarada ad ka u badan ee sannad kasto soo baxda waxad filanaysa cilmibaadhisyo aad u tayo sarreya iyo horumaran iyo hal-abuur is bedel waali ah dhaliya, Hadana runtu waxa tahay mid aad uga duwan sidaas, waad ogtahay jaamacada ardaygu si uu u khatimo waa inu cilmi baadhis sameeyo ama mashruuc waara, ka dibna soo bandhigo si loogu aqoonsado inu dhameeyey waxan soo kordhiyey, Taas bedelkeeda waxa dhintay hal-abuurkii iyo saamayntii cilmi baadhista, Arrinkaas oo tayo xumaan iyo caqabado mustaqbal oo hor leh sababi kara taaso kasii daran tan maanta taagan. Hadaba qormadan waxan ku lafa guri doona waxyaalaha sababay ama hakiyey horumarinta waxbarashada sare.
Hadaba intaanan qormadan gelin suaalahan bal aynu is waydiino si aynu u fahano u jeedada qormadan:-
- Mushkilado dhaqaale ayaa jira? Aqoontii dhaqaalahu meeday iyo cilmi baadhisyada laga sameeyey jaamacadaheena?
- Dhibaatooyin iyo xanuuno aan la hubin aya socda? Meeday aqoontii cilmiga caafimadka iyo fayo dhawrka bulshadu? (FG. Inkastoo dedaal aad u badan ay wadaan bahda caafimaadka, iyo dhakhaatiirta dalku lkn resource ku ku yaryahay).
- Cilmiga Ganacsiga, Xisabadka, iyo Maamulka maxa laga dheefay? Horumarinta Ganacsiyo waara oo wax kuu ool ah miyaan la hal abuuri Karin? (maxay cilmi baadhisyada ka sameeyen, Habab cusub ma so kordhiyeen, aqoon cusub suuqa ganacsiga ma kusoo kordhiyeen, Mala soo bandhigay oo ma la dabaqay?
- Aqoonta Technology ga, Computer ka iyo isgaadhsinta iyagana maxa ka si ah? Miyanay maanta waxa keliya ee research ka dunida hogaamiya dhinackasta ahayn Maxa loo adeegsan waayey cilmibaadhisyada Awooda Data da, AI ga iyo Mechine learning ka ? Xataa Applications iyo solutions xalinaya caqabada ha bulshada ee taagan ma la isla la yahay- iyadoo weliba ay jiraa dhiiri geliyo maalgelineed oo dhanka walba buuxa? Yaa!
- Qolada Beeraha iyo is bedelka cimilada way dedaalayan inkastoo resource ku yaryahay runtii, lkn cilmibaadhisyadii aay ku qalin jebiyeen miyan wax wax tar lihi ku jirin? Maxa dalka loola wadaagi waayey ?
- Engineering ka meeye cilmi baadhisyadoodi – Marka laga reebo architecture ka oo saamay wayn ku soconaya? Meeye culuumtii kale ee engineering ka Iyana?
- Qoladii Community Development, Development studies iyo Social science? Ma waydeen cilmi baadhisyo hal abuur leh oo xaliya mashaakil ka qabiilada soo noqnoqanaya, iskaashiga bulshooyinka iyo weli kor u qaadista Tayada wada noolaanshaha bulshada ee ka hortegeya anacaybka bulshada ee koru kacaya iyo muranada dhulalka iyo khayraadka ee deeganada?
- Waxii cilmiyo dheeraad ah oo aanan halkan ku xusin iyaga laftooda cilmi baadhisyada aay soo kordhiyen in la helo miyanay ahayn ?
Ok, Hagaag. Hadaba aan qormada galno waxan sababaha aasaaska u ah.
Is Qabad la’aanta Tayada saamaynta iyo Tirada dadka qalinjebinaya :
Dalkan Culuumtiisa iyo jaamacadiisa iyo weliba dadka qalinjebinaya aay sida laxaadka leh u badanyihiin, qofkastaa waxa uu isa suaalaya horumar nololeed iyo hore usocod waxbarasho ayaa jira lkn runtu waxay tahay waxbarashada dalka kama jirto.
Cilmi baadhisyada la sameeya ee jaamcadahu ardayda ka qabtaan maaha wax wax ku ool tayo u leh ama wax badan saamayn ku yeelan dhankasto ay caqabadi inaga haysato sida Dhaqaalo xumada, Hogaaminta iyo mashaakilka bulshada, waana arrin runtii wax ka qabasho deg deg ah u baahan.
“Wax barashadu yaanay Ganacsi noqon, Hadii kale waa lagu jabayaa runtii”
Hadaba bal aynu eegno maxa sababi kara sidan aan sheegay
- Waxbarasho laga baxay: Ardayda miyaan loo diyaarinayn waxa aduunka ka socda ee saxda ah.
Hadaynu eegno aasaaska waxbarasho xumada ee jaamacadaha dalka waxa weeye manhajka liita eel aga baxay iyo aqoontii hore ee aan maanta la jaanqaadi Karin adduunka, Waxaanay u badantahay in ardayda loo diyaarinayo wax aan suuqaba ka jirin ama wax badan uga tarayn meelaha ay rabaan inay cilmi baadhis ka sameeyaan. RUNTII, badan kana waabay kala duwanyihin waxa ku qaataan cashar ahan iyo waxay kalaa kulmaan suuqa shaqo ama ganacsi.
Sidoo kale dhanka dhigista iyo soo gudbinta lafteeda waxa loo yara baahanyahay in la yara habeeyo oo tusaale ahaan halkay ahaan jirtay in lecture uun la aqriyo kor looga sii qaado iyadoo lagu darayo wada shaqayno iyo soo gudbino kor uqaadaya habfekerka sare iyo xalinta khilaafadka taso waxbadan samayn ku yeelan karta
Waxan iyaduna Meesha ka maqnayn habka imtixanadka iyo hab shaqaynta ardayga oo ah midii hore uun, waa in loo furaa ardayga wax baadhisdheerad taasoo saamayn tayo leh ku samaykarta inuu wax cusub hindiso Marks fiicana lagu abaalmariyo. Sowmaha?
- Xaddidnaanta Fursadaha iyo khayradka la istimaali karo – Maalgelinaha Cilmibaadhisyada iyo Agabka lagu shaqaynayo.
Aan idhaahdo dhibaha ugu wayn ee haysta jaamacadaha waxa ka mid ah khayraadka ay ku horumari lahaayeen baa ku yar sida maalgelinaha jaamacadaha oo iska kooban taasoo sabaysa in ay adkaato inay iibsadaan qalabtayo leh iyo technology ka caawin karta cilmi baadhista.
Iyana waxa Meesha ku jirta Departments ka R&D (Research and Development ) ka jaamcahadaha ayaa fadhiid ah, waayo markay u yartahay waxa uu monitor garayn lahaa cilmibaadhisyadaa ay ardaydu samayso si aan qofna bilaa macno isaga qalin jebin isagoo aan suuqii awood ku lahayn taasoo sababi karta inay dhaawacdo sumcada jaamcada uu ka yimi. Mise waxasi ma jiraan ee waxbarashadu waa ganacsi?
- Tayada Dhanka qaybta cilmi baadhisyada jaamcadaha
Cilmi baadhista lafteedu waa mashruuc wayn, taasoo u baahan aqoon iyo maamul weliba sidoo kale u baahan furfurnaan iyo is dhexgal bulsho si loogu helo taageero cilmi baadhistan noocay doontoba ha noqoteen, Hadaba hadii aad dhankaa jaamcadu ka lidato waa nabar weyn oo ay u dhiman karto jaamcadu runtii.
Inay jaamacaduhu iskaashi cilmibaadhiseed la yeeshaan wershadaha, Cusbitaalada, iyo Wasaaradaha waa mid lagama maarmaan ah si markay u yaryihiin ball ala wadagi karo wixi talo soo jeedin ah iyo wax kaa bedel.
Yanan ku dheeraan dhankaas!
- Arrimaha kale ee guud ahaan saamaynta ku leh arrinta jaamcadaha haysata – Haday noqoto xaaladaha dalka, shuruucda, Siyaasada, hab nololeedka
Waxa iyaduna saamayn laxaadleh ku leh arrintan dhowr arrimood oo kale sida siyaasada dalka waxbarashadiisa lagu hago, xeerarka dalka u yaala, kuwa jaamcada u yaal iyo sidoo kale hab nololeed ka dhaqaale ee bulshada.
Cilmi baadhisyada jaamacaduhu waa halka ay ka dhaqaaqdo horumarinta bulshada caalamka lagana dhaliyo hal abuur wax badan toosiya oo saxi kari mashaakil aynu maanta la ciir ciirayno, sido kale jaamcaduhu inay isku xidhnaasho iyo wada shaqayn calami ah samaystaan waa mid muhiimadeda leh.
Dhankaa, dhan dheh. Hadaba maxaa la samayn karaa.
Maxa loo baahanyahay si loola tacaalo arrinta ama wax bedel loo sameeyo
Si arrimahan wax looga qabto Somaliland dawladeeda, aqoonyahankeeda , hogaamiyayasha jaamacadaha waxa inay arrimahan dib u eegaan kana fiirsadan :
- Wax ka bedelis manhajka iyo wax dhigista : ( wal casr ma dhaafi kartid waayo waa inta macalinku yaqaano) maahmaah miyay ahayd, Hadaba hadaanu manhajku la jaanqaadin adduunka waa hal bacaad lagu lisay marka loo eego cilmiyada qaar inaad addunka la socoto waa lagama maarmaa. Sidoo kale qofka dhigaya waxan ma garanaya, wax qabad muuqda ma ka gaadhay cilmigan waxa iyaduna muhiim ah masoo gudbinkara mana engage greyn kara arday kala fahan iyo ka aragti ah mid walba gaarkiisa. Taasina waa macalinka.
- Kor u qaadista Qoondada khayraadka iyo hantida jaamcadaha loogu talo galay: waa in se degdega kor loogu qaada maalgelinta cilmibaaddhisaaha iyo jaamacahaba si goor hore looga kaco meeshan,waa in Labs iyo technology la maalgeliyaa, waa in bandhigyo cilmi baadhiseed la sameeya, waa in jaamcadaha la tartansiiya intaaba iyo ino kaleba waxay ka qayb qaadan karaan horumarinta jaamacadaha iyo aqoonta dhextaala.
- Kor u qaadista Habka Cilmi baadhista lafteeda: in lagaga shaqaysiiyo R&D ga jaamcadaha sidoo kalena ay saamayn buuxa ku yeeshan reseach ka arday jaamacada ka baxaya wayo waxa la yidhi “waran kugu soo noqon doona lama tuuro” waxay dib usoo ganaysaa sucmada jaamacada waxa uu suuqa kala kulmo ama dunidaba qofkani. Sidoo kale isku xidhka jaamcada iyo cid kasta oo xidhiidh la leh cilmi baadhisi waa arrin aad iyo aad u muhiim ah.
- Arrimaha dusha kaga gedaaman waxbarashada: sida siyaasadaha iyo shuruucda waa in laga qayb qaataa sidii loo dhaqan gelinlaha shuruuc taageraysa cilmi baadhista iyo dhiirigelin research ka sido kale in la dabaqo oo lagu shaqeeyo fulinteeda amraysa.
Gabagabadii
Inkastoo Iyadoo dhamaystiran laga helayo Research ka aan wadey ee la dhaho “ What is Wrong? Analyzing the stagnation in university education and research in Somaliland”. Waxan aan aaminsanahay inay maanta taagan tahay meel wax laga qaban karo ;laguna sii eegan karayn, Hadaba jaamacadaha dalku waxay awood buuxda u leeyihin inay wax badan curin karaan dhankasta horumarka keeni karaan, laakin waxad mooda inaynu ka dhacsanahay arrinkaas. Laakiin hadii aynu wax ka qabano dhamaan arrimahas aan soo sheegay waxay nu furi doona mustaqbal horumar ku dheehanyahay sidoo kale saamayn ku yeelan kara horumar la taaban karo sidaynu ku heli lahayn.
Waa in aaynu yaqiinsana hadii aan maanta la baraarugin, lacagta la khasaaraya maaha wax wayn ee hogga madow ee waxbarashadu sii gelayso ayaa muhiim ah in laga horta marka waan in dhamaanteen hadii uu yahay Dawlada, Sharci dejinta, Jaamacadaha, Hayada iyo xarumaha cilmibaadhisaha ee caalamiga ah laga wada shaqeeyo si wax looga qabto arrintan sii ballaadhanaysa.
GUUL IYO GEEDDI WACAN INSHALLAH!
Halkan Ka dheeho articles kale Blog