10 Hab oo aad Networking ka aad uga faaidaysan kartid una dhisi kartid
Dhisida xidhiidho qoto dheer oo professional ah waa xirfad ad u tayo sarreysa oo ay u baahanyihin dhalinyarada hammiga leh iyo sidoo kale ganacsatadaba dalka gudihiisa iyo debediisa, sidoo kale waxay kuu korinaysaa minhadaada shaqo iyo ganacsigaga ama ganacsiga aad bilaabi rabtoba, Hadaba inad samayso ama ad dhisto dad aad ku xidhantahay(Network) waxay furaysaa albaabo fursadeed oo cusub, waxay ku kordhinaysa talooyinka wax ku oola, iyo inad yeelato xidhiidho wax ku oola oo ku taageera markaad u baahato, Hadaba dhalinyaro waa sidan habka aad u abuuri karto network professional ah: .
1. waxad dhista xidhiidh is barasho, oo run ku qotoma
Hadaba marka ugu horreysa aad rabto inad xidhiidh professional ah dhisto ama samayso, waa inad awood badan gelisa ama ku talo gashaa inuu xidhiidhkasi noqdo mid rajo fog ku qotoma oo aanu ahayn mid dano yar oo dhow aad ku doonayso, muuji inad danaynayso inad wax badan ka ogaato qofkaasi aad rabto inad networkaga kuso darto sida sheekadiisa nololeed, waxqabadkiisa iyo waxyaalaha uu xiiseeyo, dhegayso oo dhug u yeelo arrimahas, sidoo kale adigu qof run ku dhisa xidhiidhkaasi waayo xidhiidhada runta iyo daahfurnaanta ku dhisan waxay dhalan wada shaqayn macno samaynaysa oo aragti fog leh
Tusaale: Haddi aad qof kula kulanto xaflad ganacsi, Mashruuc furis ama isu imaatin kale, Ka warayso shaqadiisa iyo waxyaalaha uu daneeyo ama u ololeeyo, la wadaag khibradaada sido kale hel am muuji waxyaalo aad wadaagtaan. Sidan waxad ku dhisaysaa xidhiidh ku qotoma is ixtiraam iyo is fahan.
2. U Isticmaal social media-ha si tayaysan
Platform yada sida LinkedIn, Twitter iyo Instagram waxay yihiin qaar aad u awood badan marka aad samaynayso networking. Follow gree hogaamiyayasha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah e ka hadla industrygaaga iyo niche kaagaba, gal ama ku biir groupada ka shaqeeya am aka dooda arrimahaasi, La wadaag cilmigaaga iyo aragtiyahaaga iyo sido kale wax qabadkaaga si aad u dhistid qof ka aad tahay (personal brand) sido kalena uso jiidatid dad ka aad isku fekerka tihiin.
Tusaale: waxa ugu badan ee aan kula taliyo dadka networkoga dhisaya waxa u horreya LinkedIn, Samayso profile LinkedIn ah, si joogto ahna usoo geli contents(Post) ah masharicdada iyo wax qabad kagaba, Ku biir groupada si gaar ah u khuseeya industrygaga iyo suuqaaga kana qaybgal doodaha. Tani waxay kaa caawinaysaa inad muuqato sido kale ku xidhanto dadka niche kaga ama nooca shaqada aad ku dhex jirto
3. Ka qaybgal kulamada, Xafladaha, Seminarada iyo tababarada
Ka qayb galka shirarka, Tababarada, iyo seminaradaba ka dhacaya magaladada, Dalkaga ama dibadaba(Hadad awoodo) waxay ku siinaysa inad la kulantid khubarada industryga aad ka shaqayso ama danayso, inad la kulanto tababarayal iyo hage yaa, iyo sido kale inad la kulanto dad kula mid ah, marwalbana isku day inad si qurux badan u sharaxdid naftaada dhinaca kalena baratid oo aad kala qorataan aaladaha lagu wada xidhiidho.
Tusaale: Hadii uu jiro seminar ganacsi magalada Hargeisa, ka qaybgal si furana uga qaybqaado shirka ama seminarka, isku day inad barashoyin cusub samayso sida qabanqabiyayasha ama dadka kaso qaybgalay, sido kalena u gudbi business cardkaga iyo kala qorashoda numberadiina.
4. Baro sidaad isu sharrixi kartid isna bari kartid qof kale
Diyaarso is bandhigis iyo isa soo gubin aad u tayo sarreysa, Taaso ka kooban qof ka aad tahay, waxad aad qabato, iyo wax yaalaha aad rajaynayso inad qabato ama aad gaadhid. Is sharaxid aad si fiican u diyaar gareysay waxay ka cawinaysa in aragti fican laga qaato sido kale inay sahasho is waraysi micno ku fadhiya.
Tusaale: Sidan oo kale u qaabee “ SC, Magacayga waa Ahmed, waxan haysta ganacsi tiknologyad(ama ganacsi kale, ama xirfad kale oo ad ku shaqaysato) ah, oo qabta shaqooyin ay ka mid yihiin inan wax online ku xayaysino shirkadaha aanu ka caawino siday saamayn ugu yeelan lahayeen online, waxan aad u danaynaya inad is barano oo aan ku xidhmo dadka aan u arko inan wada shaqaynkarno ama iskaashankaro”.
5. Dib u xidhiidhi qofkii aad kulanteen
Hadaba markaad qof cusub is barataan, u dir fariin caadi ah ama Email shaqsi ah, sido kale xasuusi arrin aad ka wada hadasheen una sheeg sidaad u danaynaysid inad wax badan kasii ogaatid iyo inad jeceshay oo danaynayso inad ka wada shaqaysaan arrimahaas. Dib u xidhiidhinta dadku waxay kaalmaysa ilaalinta xidhiidh qoto dheer.
Tusaale: Xaflada aad ku kulanteen kadib u dir farriin kooban oo sidan oo kale ah “Fatima iska waran, waxan rajaynaya inad fiicantahay, farxad bay ii ahayd kulankeeni iyo is waraysigeeni shalay xafladii(Seminarkii, ama tababarkii). Run ahaantii aad ban ula dhacay (uga helay) is xogwaraysigeenii shalay iyo runtii habka technologiyada ay uga qayb qaadan karto horumarka dhaqaalaha(Caafimaadka, ama Ganacsiga). Dee aynu iska warhayno oo wada socono Inshallah.”
6. Wax tar kusoo kordhi networkaga ama dadka aad ku xidhantahay
Nerworking ku ama xidhiidh ka professional ka ahi waa in dhinac waliba wax ka faaido, Hadaba sidas micnaheedu waa inad adiguba qofka kale tustid waxa macno u sameeynaya isku xidhnantiina, haday tahay inad xog la wadaagtid, ka caawiso waxyaalaha qaar ama aad cid cusub isku sii xidhi karto, caawinta networkaaga waxay xoojinaysa isku xidhnaanta waxanay keenaysa in adigana lagu caawiyo noocaydoontoba ha ahaatee.
Tusaale: Hadii qof networkaga ku jiraa u baahdo graphic designer adiguna aad dhowaan la kulantay graphic designer aad u xirfad sarreya, Isku xidh. Sidani waxay dhalinaysa inay labadooduba aad kuugu xidhnaadaan
7. Ku biir ururada ka shaqeeya industrygaaga
Ku biir organizations ama ururada ka shaqeeya industrygaaga, waxad danayso ama waxad ka shaqayso, ururadasi waxay qabtaan badan ka kulamo ah dhisida networkaga, bixinta agabyo cawimaad(resources) sidoo kale waxay bixiyaan fursado aad wax ku baran kartid cidna kula shaqaynkarto.
Tusaale: Hadaad ku biirto Somaliland Chamber of commerce ama ururo kale oo ka shaqeeya ganacsiga waxad awood u helaysa inad ka qaybgasho kulamada iyo xafladaha ganacsi taasoo aad ka samaynkartid xidhiidho cusub iyo is barashooyin taabo gal noqda.
8. Isticmaal Alumniga Jaamacadda
Alumniga(ardayda hore uga qalinjebisay) jaamacadaada ama jaamacadaha kale waa Hanti aad u qiimo badan, La xidhiidh kuwa industrygaga ku dhex jira oo waydii talooyin, tababaro iyo fursado shaqo. Alumnigu waxay iyaga laftoodu awooda saaraan inay kaalmeeyaan dhallinta ay isku jaamacad ka baxeen ama isku industry yihiinba.
Tusaale: Hadaad ka baxday jaamacada Amoud, isku xidh Alumniga jaamacadasi ama Alumni kasta oo ka shaqeeya industrygaaga, waxanad ka heli kartaa talooyin faa’ido leh amaba fursdado shaqo.
9. Muuji Hab dhaqan ixtiraam ah
Noqo runtii qof ixtiraam leh oo jecel inuu waxbadan ogaato dhamaan kulmadada isbarasho, sidoo kale qof maskax furan sido kale qadarinaya qof ka kale wakhtigisa iyo dhaqankisaba. Sido kalena ka dabatag dhaman fikiradii aad wadaagteen. Inad dhisto sumcad, hab professional ah iyo kalsooni waxay kor uqaadaysaa dedaalada dhisida networkagaga.
Tusaale: Hadaad qof aad is barateen u ballan qado inad la wadaagto article ama recource kale, markiiba u dir markad jaanis hesho. Tani waxay muujinaysa inad tahay qof la isku hallayn karo oo muxtarim ah.
10. Joogtee dhisida networkaga samirna u yeelo(Hadii ay wakhti badan qaadato)
Ogow inad network dhistaa waa maalgashi fog oo midhihiisa la arki karo, laakiin dhisida networkasi waxay qaadan karta wakhti, markaa dulqad u yeelo iyo dhibraraan iyo dabagalba. Marwlabana ku mashquul habkaad u tayayn lahayd, cid cusub na ugu soo dari lahayd.
Tusaale: Haka daalin ama ha iska joojin hadii aad si deg deg ah u arki waydo midhaheeda networka aad dhistay eed tacabka gelisay. Wad inad ka qaybgasho kulamaadaasi, xoojinta isticmaalka aaladaha online ka ah, iyo dib u xidhiidhinta xidhiidhada cusub, wakhti ka dib wad arki doonta sida uu networkaga u koro, Midho fiicana kuugu dhalo.
Gabagabadii
markaad isticmaasho hababkan aan soo xusay, waxad si waxtar leh u dhisi kartaa networkaga una ballaadhin kartaa, sido kalena ay kuugu hogaamin karaan fursado shaqo iyo wada shaqayn ganacsi.
Ogowna Networking opportunity gu waa dhisida xidhiidho wax ku ool ah, kuuna noqon kara sallaan mustaqbal, markaa u dhis si run, qalbi furnaan, iyo daahfurnaani ku dheehantahay. Muuji inad caawin karto dhinaca kalena waanad arki doontaa midhahaasi iyo najiitada fiican ee kasoo baxda inshallah.
Halkan Ka dheeho articles kale Blog